Dhegayso..Saraakiil Kenyaan ah oo lagu dhaawacay Weerar lagu Qaaday Saldhig Booliis gudaha Kenya

0
69

mandheeraLabo ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya ayaa ku dhaawacmay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen xalay saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Fino ee duleedka Madheera.

Saraakiishan ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo culus, iyadoo lagu wado in maanta loo duuliyo Nairobi si loogu soo daweeyo sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliiska deegaanka Fino.

Deegaanka Fino ayaa masaafo yar dhinaca koonfur-galbeed ka xiga Mandheera, wuxuuna ku dhow yahay xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, iyadoo kooxaha weeraray la sheegay inay ka tallaabeen soohdinta.

“Kooxaha hubeysan waxay isku gadaameen saldhigga ka hor intii aysan xabbadaha ku furin,” ayuu yiri Bernand Kosgey oo ka mid ah labada sarkaal ee weerarkaas ku dhaawacmay.

Bernard Kosgey wuxuu sheegay in kooxaha hubeysan ay saldhigga la dhaceen hub kala duwan oo ay ku jireen baasuukayaal iyo rasaasta ka dhacda qoryaha daran-doorriga u dhaca.
“Innagoo baaritaan ku haynay gaari xamuul oo ka yimid Mandheera ayaa mar qura rasaas xooggan maqalnay, aniga waxaa iiga dhacday gacanta bidix xabbad culus,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Halkan ka dhegaysoSaraakiil Kenyaan ah oo lagu dhaawacay Weerar lagu Qaaday Saldhig Booliis