Howlgalo Maanta Laga Fulinaayo Suuqa bakaaraha

0
55

baritanCiidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom, ayaa saaka baaritaano culus waxa ay ka wadaan Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Wadooyinka waaweyn ee laamiyada ah ee hareeraha ka mara Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa dhooban ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Midowga Afrika iyo ciidamada Dowladda oo ganacsatada udiiday inay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada Nabadsugida, Booliiska iyo kuwa Milateriga ayaa gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha waxa ay ka wadaan baaritaano lagu baadigoobayo hub iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay suuqa Bakaaraha ku sugan yihiin.

Shalay Suuqa Bakaaraha waxaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab oo nin Askari ahaa suuqa ku dilay, kadibna lagu dilay halkaasi.

Wadooyinka kale ee maanta xiran waxaa kamid ah wadada Baar Ubax, Black Sea, Al-Baraka ilaa Isgoyska Shiirkoole, goobahaasi oo dhan ciidamada Dowladda ayaa ku sugan oo xiray.
Daafeet.Com