Afhayeenka Amisom Col Cali Adan Xaamud Oo Ka Hadley Howlgalo Ay ka Fuliyeen Magalada Muqdisho

0
22

Col XamudAfhayeenka ciidmada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay inay Muqdisho ka fuliyeen howlgallo ay kaga hor-tageen qaraxyo la doonayay in la fuliyo, isagoo sidoo kale sheegay inay howlgallo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah gobollada dalka ay dhibaato ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay inay maalin iyo habeen socon doonaan howlgallada inta laga amniga la sugayo, wuxuuna xusay in howlgalladan ay intooda badan ka sameeyeen demooyinka Hodan iyo Waaberi.

Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in dadkii gaariga miinooyinka ku xirayay iyo kuwii ka dambeeyayba gacanta lagu hayo, ayna sii socon doonaan howlgallada noocan ah inta aynu ka qabanayno kuwa ku howlan falalka qarbudaadda ah.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in howlgallada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo ka bedelen kuwii hore, ayna ciidamadu xilli walba heegan ugu jiraan sidii ay u tegi lahaayeen meel walba oo amni-darro laga soo sheego.

Dhanka kale, wuxu sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya gobollada Jubbada Hoose, Bay, Gedo iyo Bakool, kuwasoo ay kaga hortageen xubno ka tirsan Al-shabaab oo damacsanaa inay dhibaatooyin geystaan.
Daafeet.Com