Khaliif Axmed Ereg oo Loo Magacaabey wasiirka Amniga Qaranka

0
133

Khaliif-EregWareegto kasoo baxday saakay xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay xilka wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg oo horay looga qaaday xilka taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, kaddib markii uu xilkan iska casilay 24-kii bishii May ee sannadkan, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale xilalkii ka qaaday taliyihii booliiska Soomaaliya, Jen. Cabdixakiin Daahir Saacid, isagoo xilkaas u magacaabay, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil , sidoo kale waxaa xilka laga qaaday agaasimihii hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana si KMG ah loogu magacaabay xilkan, G/sare Maxamed Cabdullaahi Xaamud.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo warbaahinta u akhriyay wareegtada lagu magacaabay wasiirka Amniga Qarnka iyo taliyeyaasha la bedelay ayaa sheegay in tallaabadan ay timid kaddib markii ra’iisul wasaaruhu uu arkay xaaladda uu dalku marayo.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu amaray in taliyeyaasha ciidamada nabad-sugidda iyo booliiska gobolka Banaadir ay si toos ah u hoos-tagayaan guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ra’iisul wasaaruhu uu sidoo kale farayo taliyeyaasha cusub ee hay’adda nabad-sugidda Qaranka iyo booliiska Soomaaliya inay si adag oo dhiifoon u fuliyaan howlaha loo igmaday.

 

Daafeet.Com