Dowlada Mareykanka oo Cambaareysey Weerarkii Shaley Ka Dhacay Madaxtooyada

0
16

American FlagDowladda Maraykanka ayaa  canbaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, kaasoo gaystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Tacsi ayaan u diraynaa ehalada dhibanayaashii ku waxyeeloobay qaraxii lala beegsaday madaxtooyada annaga oo si adag u dhaliilayna arintaas,” ayaa lagu yiri warkan oo ay saartay wasaaradda ariamaha dibadda Maraykanka.

Waxaa kaloo lagu sheegay in weerarkan uu cadayn u yahay sida amniga caasimadda uu wali u yahay mid jilicsan oo aan la isku halayn karin, isla markaana ay Al-shabaab dhib rasmi ah ku yihiin amniga dalka iyo dowladaha dariska ahba.

“Maraykanka waxa uu u taagan yahay in uu garab-qabto dowladda Somalia iyo waliba shacbigeeda ,sida ay iyagaba diyaar ugu yihiin soo celinta xasiloonadii dalka “ayaa kamid ahayd qoraalkan oo dhinacyo badan ka hadlayay.

Daafeet.Com