Xisbiga Mucaaradka Kenya oo Ugu Baaqey Xukuumada In Ciidamada Kenya ee Ku Sugan Somaliya Laga Soo Saaro

0
37

kenyaHoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ayaa ugu baaqay xukuumadda Isniintii shalay inay ciidamada Kenya laga soo saaro Somalia, kaddib markii Al-shabaab ay dalkaas ku qaaday weerarro uu dhiig badan ku daatay.

Raila Amolo Odinga ayaa ka sheegay banaanbaxa inaan la aqbali karin in shacabka Kenya dhiiggooda la daadiyo, isla markaana uu dalku ku jito ammaan-xumada uu haatan ku jiro.

Madaxda CORD ayaa ugu baaqay xukuumadda JUBILEE inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo saarto ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya, taasoo ay sheegeen in ay yareyn karto weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayso gudaha dalkaas.

Stephen Kalonzo Musyoka oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Kenya ayaa ka yiri dibadbaxa: “Innagu lama hadli karno dadka dhegaha la’a.” inkastoo uusan si cad carrabka ugu dhufan cidda uu ula jeedo dadkaas.

Hadalka mucaaradka Kenya ayaa noqonaya kii labaad oo ay ku baaqaan inta lagu jiro sannadkan, iyadoo madaxda Kenya ay horay u diideen codsigii mucaaradka ee ahaa in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya.

Ma jirto wax jawaab ah oo weli ay ka bixisay xukuumadda Kenya, hadalka kasoo yeeray isbahaysiga mucaaradka dalkaas ee CORD, balse waxaa la xusuustaa inay horay u diideen madaxda Kenya baaqii kan ka horreeyay ee mucaaradku ay soo saareen.

 

Daafeet.Com