Banaanbax Aad U balaaran oo looga Soo Horjeedo Dowlada Federlaka oo Maanta Ka Dhacay Magalada baydhaba

3
49

banabaxDegmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka socda bannaan-baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo heshiiskii lagu saxiixay magaalada Muqdisho toddobaadkii lasoo dhaafay.

Heshiiskan oo ay saxiixeen, C/fataax Geeseey iyo Maxamed Mad-deer ayay ku sheegeen madaxda dowladda Soomaaliya inuu yahay mid lagu heshiisiinayay maamullada Koonfur-galbeed ee saddexda iyo lixda gobol.

Bannaanbaxa ayaa lagu cambaareeyay mas’uuliyiinta ugu sarreeya dowladda federaalka Somalia iyo beesha calaamka, iyadoo dibadbaxa ay ka qayb-galeen ganacsatada, aqoon-yahannada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha maamulka lixda gobol, Madoobe Nuunow Maxamed oo dibadbaxa ka hadlay ayaa shacabka ku boorriyay in la difaaco lixda gobal, bannaan-baxana lasoo gaba-gabeyn doono maalinta berri ah.

 

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. WAAN OGNAHAY WAXAN WAXA SAMENYA LAAKIIN INUU GAMAHA ISABSANO NOO ROON CADWGI HAWIYE NAAREED WAA FARAHSANYAHAY MADII ARAGO SITAAN LAAKINSE SADEXDA HADIIBU LA HILO KORO INII ADANO NOO ROON LIDA GADAL A KA IMANEE, HADDII KALE WALAHI HAWIYE NAREET WA KASA

  2. haaa saasleeywa
    Arinta maay inbaahintaa isku duubnaan midnimo
    Madoowe nuunow
    Maddeerna iyoona galyaa is qabsideen col gudi hal laabo
    Duulneen hawiya naaredkuun
    Dalka ku difacnee
    Doon aa biyo siniinki gali

  3. waa wax lala yaabo in maanta hadana anaga aan isku dhegno,oo aanan ka fikerin dhibka naloo soo wado ,maanta waa in la isku duubnaada oo aaan u dagaalanaa dhulkeena oo ay mooriyaantu ku soo duushey, maxaa u diidey siyaasiyinteena iney ka fikiraan danaha shacabkooda oo ay iska daayan danta gaarka ah..ilaahow soo hanuuni umadeena tusna meesha boogta ah ee u baahan in la daaweeyo..wbtfq..

Comments are closed.