Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay Stanbul dhiggiisa New Zealand.

0
39

ducaleWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa shaley gelinkii dambe kula kulmay Magaalada Istanbul ee dalka Turkey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga wadanka New Zealand H.E. Murray McCully oo ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashi balaaran oo labada dowladood ay yeeshaan .

H.E. Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa kaga mahadceliyay dowladda New Zealand taageerada iyo soo dhoweynta ay u sameysay boqolaal qoys oo Soomaaliyeed oo dalkaasi deegaansaday , isagoo ka codsaday Xukuumadda Wellington inay ka qeyb qaadato taageeridda hey’adaha kala duwan ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , dib u dhiska dalka iyo fulinta mashaariic horumarineed oo waxtar leh.

Dhankiisa , H.E. Murray McCully, waxa uu balan-qaaday in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhinacyo badan oo qeyb ka ah mashaariicda beeraha iyo waraabka , si dalka Soomaaliya uu u noqdo dal isku filan dhanka cunnada .

Sida la ogsoonyahay , Dowladda New Zealand waxa ay dalkeeda magangalyo qaxootinimo ku siisay Soomaali ka carartay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay , waxaana lagu sheegaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool inay ka badan yihiin 4000 ruux sida lagu bandhigay qoraalo la faafiyay sanadkii 2012-kii.

 
Daafeet.Com