Dab khasaro badan geytey oo maanta ka dhacay garaash ku yaaley isgoyska Km 4 ee Magalada Muqdisho

0
33

qaraxDab xooggan ayaa ka dhacay garaash weyn oo lagu iibiyo gaadiidka iyo shidaalka oo ku yaalla isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo dabku marba marka kasii dameysa uu sii xoogeysanayo.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xooggan uu dabkan geystay, balse lama oga inuu geystay khasaare nafeed, iyadoo garaashkaas la sheegay inay yaalleen baabuur fara badan oo ganacsi ahaan loo keenay dalka.

Gaadiidka dab damiska oo badan ayaa isugu tagay halkaasi kuwaasi oo isku dayaya inay dabka baqtiiyaan hayeeshe goobta oo ah mel shidaal ayaa dabka aad usii holcayaa.

 
Daafeet.Com