Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Itoobiya oo sheegey in ey heshiis ay gaareen Maamulka Raskambooni iyo Dowlada Federalka

0
32

Dr.TewodrosWar uu soo dhigay Barta Twitterka Wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia Dr Tadros Adhoman,wuxuu ku xaqiijiyay in heshiis rasmi ah ay gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland,kuwaasi oo ku heshiiyay Magaalada Adis-ababa shalay.

Wuxuu sheegay wasiirka arimaha Dibada Ethiopia in wada hadalkaan xalka laga gaaray hada ay soo socdeen Mudo badan,islamarkaana ay fududeysay Xukuumada Adis-ababa.

Dr. Tedros Adhanom,ayaa warka uu soo dhigay Barta Twitterka uusan si hufan ugu faah faahin heshiis la gaaray iyo qodobada sida dhabta ah loogu heshiiyay inkastoo uu shaaciyay in heshiis dhab ah la gaaray Maanta saxiixa uu dhici doono.

Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa ka soconayay kulan si wada jir ah isugu yimaadeen wafuud ka kala socota dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe.

 

Daafeet.Com