Qarax saaka lala beegsadey Laba Baale oo ku yaala Wadada Maka al Mukarama

0
60

nalalQaraxyo waaweyn ayaa saakay waaberigii hore ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdihso, kuwaas oo lagu xiray laba ka mid ah baallayaasha korontada ku shaqeeyaa ee jidkaas ku xiran.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawamay, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii waddadaas marayay markii ay qaraxyadu dhacayeen, sidoo kalena waxay qaraxyadu dhulka la simeen laba baalle ee lagu xiray.

Weerarradan ayaa waxay noqonaysaa kuwii ugu horreeyay ee waddadaas ka dhaca oo ay muddo kooban u dhexeysay, iyadoo waddadan ay tahay midda ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso weerarradan, balse dowladda ayaa inta badan ku eedeysa weerarrada noocan oo kale ah Al-shabaab oo dagaal kula jirta.

 

Daafeet.Com