Dadkii kasoo Barakacay Dagaalada ka socda Magalada Kismaanyo oo ka hadley faragelinta ay sameysey Kenya

0
23

baraaDadkii ka barakacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa ka hadlay sidii ay uga barakaceen magaalada Kismaayo,xilligii Magaalada uu ka socday dagaalka.

Qof kamid ah dadkii ka barakacay Magaalada Kismaayo oo hada weli ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ayaa sheegtay inay ka barakacday,xaafada Guulwade oo si adag ugu dagaalameen ciidanka Dowladda iyo kuwa Raaskaambooni.

Waxa ay sheegtay dagaalka ciidanka kasokoow inay iyaga ka barakaceen,diyaaradaha dagaalka Kenya oo si weyn kaga qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay xaafada Guulwade taasi oo shacabka ku kaliftay inay halkaasi isaga barakacaan.

Gaadiidka Gaashaaman ee ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ayeey sheegtay inay si toos ah dagaalka uga qeyb qaateen xaafada Guulwade ee Kismaayo,ay ku garaaceen madaafiic xoogan oo khasaarooyin kala duwan geestay.

Taliska ciidanka Kenya ee Kismaayo ayaa hadal uu siiyay warbaahinta ku beeniyay wararka sheegaya inay dagaalka ka qeyb qaateen,inkastoo shacabkii ka qaxay Magaalada ay xaqiijiyeen in Kenya dagaalka ay qeyb weyn ku laheyd.

 

 

Daafeet.Com