Dhegayso….Kulan lagu diidan yahay ka mid noqoshada maamulka Marka beesha Cayr oo Marka ka dhacay

0
34

markaaKulan ay ka qayb galeen Dhaqanka iyo qaybaha kala gedisan ee bulshada beesha Biyomaal ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Marka caasimada gobolka Shabeelaha hoose.
Kulanka oo ahaa mid looga soo horjeeday hogaanka cusub ee uu magaalada Marka uu u soo magacaabay Wasiirka arimaha gudaha ayaa waxaa laga sheegay in Maamulkan cusub aanu ahayn mid ka turjumaaya sida magaalada loo degan yahay waxayna
Odayaashii ka qayb galay kulanka ay ka dalbadeen Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo faragaliyo is qab qabsiga ka jira maamulka magaalada Marka, inta aysan imaan dagaal beeleedyo kale oo deegaankaasi ka dhaca.
Axmed Cismaan Yuusuf oo kamid ah odayaashii kulanka ka qayb galay ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya aanu meelna kaga qornayn Maamul in la iska magacaabo iyadoon wax latashi ah lala samayn qaybaha bulshada ee deegaanka loo magacaabayo.

Halkan ka dhegayso Axmed Cismaan Yuusuf oo ka waramaya shirka.

marja