Wafdi uu hogaaminaayo Reysulwasaraha oo maanta gaarey Magalada Jowhar

0
43

abdi shirdomWafdi uu hogaaminaayo Reysulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta gaarey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Raysul wasaaraha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Socdaalk raysul wasaare Shirdoon ayaa qeyb ka ah socdaalka uu ugu magaca-daray ‘Socdaalka Dhageysiga’ ee uu ku marayo qeybo ka tirsan dalka, si uu ugu kuurgalo xaaladaha ka jira gobollada.

Wafdigan waxaa magalada Jowhar si diiran ugu soo dhaweeyay Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar, mas’uuliyiin iyo dadweyne badan

Daafeet.Com