Ciidamada Amisom ee Gobolka Hiiran oo hishiisiiyey beelo halkaasi ku dagaaley

0
49

jabutiCiidamada AMISOM ee Gobalka Hiiraan ayaasheegey inay heshiisiiyeen beelo walaalo ah oo wada daga deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ugu sareeya ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan Cusmaan Dubad beelahaan ayaa muddo colaad ay ka dhaxeysay kuwaasi oo kuwada nool Gobalka Hiiraan.

Taliye Dubad ayaa sheegay inay ciidamada AMISOM u suura gashay inay beel beel u wada fadhiisiyaan dhamaan beelaha wadaga Gobalka Hiiraan oo ay ay ku heshiiyeen fadhi loowada dhan yahay.

Sidoo kale Korneyl Dubad ayaa shaaca ka qaaday in beelaha ay heshiisiiyeen ay gaarayaan ilaa 14-beelo oo dhamaan wadaga Gobalka Hiiraan deeganada ka tirsan.

Cusmaan Dubad Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in sidoo kale ay xaliyeen khilaaf udhaxeeyay maamulka Dowladda ee Gobalka Hiiraan dhamaan wax walibana si wanaagsan guulo looga gaaray.

Daafeet.Com