Odayaal kasoo jeeda Gobolka Shabelaha Hoose oo kulan la qaatey Amisom

0
54

africaMas’uuliyiin ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta waxay wada-hadal la qaateen odayaasha dhaqanka ee magaalooyinkii dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab ee Jannaale, Aw-Dheegle iyo Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah ayay AMISOM ku tilmaamtay in wada-hadallada ay ahaayeen kuwa wada-tashi ah oo ku saabsanaa sidii la isaga kaashan lahaa xasilinta goobaha cusub ee lagala wareegay al-Shabaab.

Kulanka oo ay soo abaabushay waaxda siyaasadda ee AMISOM ayaa la isugu keenay odayaal dhaqameed, xildhibaanno ka soo jeeda gobolka, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo waxgarad kale si loo horumariyo wada-hadal iyo iskaashi dhex mara ciidanka AMISOM iyo dadka deegaanka si loo dhammeystiro dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku baadigoobeyso sidii loo heli lahaa nabad waarta iyo soo celinta ammaanka dalka oo dhan.

Dhankooda Odayaashii kulanka ka qaybgalay ayaa iyana sheegay in guud ahaan wixii laga wada hadlay laysku afgartay lana wada qaatay qaab howleed lagu wada howlgali doono sidaasina waxaa Daafeet.com u sheegay Suldaan Warsame Suldaan Ibraahin Caliyow Sulsaanka guud ee Qowmiyada Digil iyo Mirifle ahna Suldaanka beesha Jiido

Halkan ka dhegaysoSuldhaan.
Daafeet.Com