Maamulka Alshabab oo sheegey iney wadayaan dagaalka ey kula jiraan Amisom

0
32

alshababUrurka Al-Shabaab ayaa ka hadlay dagaal duleedka Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ay kula galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobalkaasi.

Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in weerarka dagaalka ah ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab ayna ku qaadeen fariisin ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin duleedka Beladweyne.

Abuu Muscab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi isaga oo sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Jabuuti oo uu sheegay inay dalka kusoo duuleen.

Dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne ayaa wuxuu udhaxeeyay xoogaga Shabaab iyo sidoo kale ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Daafeet.Com