Wariye ka tirsan Idaacada Shabeele oo maanta lagu diley meel aan ka fogeyn gurigiisa

0
30

dilWaxaa saaka magaalada Muqdisho lagu dilay Cabdi Xareed Cismaan oo ka tirsanaa wariyeyaasha idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho.

Koox bastoolado ku hubaysan ayaa la sheegay in wariyaha ay ku toogteen meel aan ka fogayn gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, xilli uu ku sii jeeday xafiiska idaacadda uu ka howlgalayay.

Wariye Cabdi Cismaan oo dhaawaca ka soo gaaray rasaasta lala beegsaday ayaa ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Ku dhowaad 20 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya sanadkii hore, wuxuuna wariyahan la dilay noqonayaa kii ugu horreeyay ee la dilo sanadkan cusub.

Daafeet.Com