Taliyaha ciidanka nabadsugida oo ka hadley howlgalada ey ka wadaan magalada Muqdisho

0
106

Khaliif-EregTaliyaha ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda ay ka wadeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidamada nabadsugidda Khaliif Axmed Ereg oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay soo celinta ammaanka magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

Masuulkani ayaa sheegay in ciidamadu ay qaban doonaan qof walba oo danbi gala, xitaa haduu dowladda katirsan yahay, wuxuuna sheegay in howlgalladan ay socon doonaan inta uu ammaanka dalka ka noqonayo mid la isku haleyn karo.

Masuulkani ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay gacan ka siiyaan ciidamada ammaanka dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga, wuxuuna sheegay ina y ciidamada kusoo wargeliyaan wixii ammaanka lid ku ah ee ay arkaan.

Daafeet.Com