Wasiirka Difaaca ee Dalka kenya oo codsadey in si dhaqso ah looga soo saaro ciidamada howlgalka ka wada xaafada Islii

0
28

yusuf hajiWasiirka difaaca, Yuusuf Xaaji iyo wasiirka horumarinta gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamed Cilmi ayaa ka dalbadeen dowladda inay shaqada ka cayriso saraakiisha lagu eedeeyo inay dadka dhibaatooyin u geystaan, iyagoo ku mar-marsiinyo ka dhigaya sugidda ammaanka.

“Baarlamaanku waa inuu si dhaqso ah ku xalliyaa arrintan; diiwaangelin ayaana ku soo sameynaynaa dhacdooyinka waxaana tusaynaa xukuumadda, waayo ma ahan mid aan ka aamusi karno,” ayuu si caro leh ku yiri Yuusuf Xaaj oo hoggaaminayay koox ka tirsan baarlamaanka Kenya oo dhawaan la kulmay guddiga ganacsatada xaafadda Islii.

“Waan sheegaynaa saraakiisha booliiska umana dul-qaadanayno dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabkeenna,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray, isagoo la hadlayay baarlamaanka Kenya.

Xildhibaannada kala ah: Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xaaji, Ibraahim Maxamed Cilmi iyo Safiyo Cabdi oo dhammaantood laga soo doorto gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa waxay sheegeen in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen shacabka ku nool Islii, iyagoo ugu marmarsiyoonaya inay yihiin argagaxiso oo lug ku lahaa weerarro ka dhacay xaafaddaas sannadkii hore.

Daafeet.Com