Alshabab oo sheegey iney dagaalo ka abaabulayaan Gobolka Shabeelaha Dhexe

0
45

alshaXarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal ay ku weerarayaan degmooyinka gobolka shabeelaha dhexe ee ka maqan gacantooda, iyagoo sheegay in gobolka uu galay xaalad dagaal.

Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada dhexe, Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-ku-tukade) oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay inay qorsheynayaan weerarro ay la beegsadaan ciidamada ku sugan degmooyinka ay gobolkaas kaga sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in weerarrada ay qaadayaan ay noqon doonaan kuwo ay ku dhiig-bixinayaan ciidamada deegaannadaas ku sugan oo uu sheegay inay yihiin kuwo ku soo duulay dalka iyo isku xukunka diinta Islaamka.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax hadal ah kasoo saarin hanjabaadda Al-shabaab ee ah inay weerarro toos ah iyo kuwo dadban la beegsan doonto ciidamdooda ku sugan gobolka Shabeellada dhexe.

Daafeet.Com