Mudaaharaadyo ka dhacay Magalada Boorame oo ey dad waxyeelo kasoo gaartey

0
24

Bannan baxMudaharad balaaran oo shalay ilaa xalay fiidkii ka socday magaaladda Boorame ayaa waxaa uu sababay dhaawac iyo dhimasho, kaas oo lagaga soo horjeeday faragelin ay sheegeen inay xukuumaddu ku hayso doorashadda golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

Mudaharaadkan ayaa dib u bilaabmay ka dib markii uu magaaladda shalay galab yimid wefti balaaran oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somalilnad Cabdiraxmaan Saylici, kaas oo ay ku xireen wadaddii u mari lahaa oo taayaro badan ku gubeen.

Haseyeeshee wefdigii madaxweynaha oo ciidan badani isku xeeray ayaa kusoo degay hoteelka Rays ee magaaladda Boorame, kaas oo dadweyne caraysani ku soo urureen oo ay isku dayeen inay xoog ku soo jiidhaan ciidanka, waxaase rasaas faro badan oo ay ciidanku markii hore cirka u ridayeen hoos ugu dhigeen dadweynihii halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba lehi ka soo gaadhay dhallinyaradii mudaharaadaysay.

Rasaastaas ey rideey ciidankii la socdey maddaxweynaha ayaa sabababey dhimasho hal qof waxaana ku dhaawacmey in ka badan ilaa iyo Shan Ruux.

Daafeet.Com