Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Taliyaha Cidanka Boliska oo booqdey qaar ka mid ah saldhigyada ku yala Magalada Muqdisho

0
28

shek gudWasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay booqday saldhigyo ku yaalla degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Booqashadan ayuu wasiirku ku sheegay inay tahay mid ay ugu kuurgalayeen sida ay ku socdaan howlaha sugidda ammaanka xilliga habeenkii ah, iyagoo tahay saldhigyo ku yaalla degmooyinka Karaaan, Yaaqshiid, Wardhiigley iyo Howlwadaag.

Sidoo kale. wasiirku wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay sugaan ammaanka magaalada Muqdisho oo dhan, isagoo sheegay in goobihii ay xalay kormeerka ku sameeyeen ay ku arkeen ciidammo diyaar u ah inay sugaan ammaanka xilliyada habeenkii ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore 2011 oo ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab ka dhacayay falal isugu jira dilal qorsheysan.

Daafeet.Com