Shariif Xasan oo loo diidey inuu ka dhoofo garoonka aadan cade ee magalada muqdisho

1
185

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa saakay laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde, isagoo ku wajahnaa magaalada Baydhabo

Shariif Xassan, ayaa doonaya inuu u tartamo kursi yaala Magaalada Baydhabo oo uu horay ugu fadhiyay wiilkiisa.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in diyaaradii qaadi lahayd Shariif Xasan lagu amray in aanay Baydhabo kasoo dagi karin.

Xayiraada lagusoo rogay waxaa la sheegayaa inuu ka dambeeyo maamulka koonfur Galbeed oo horey sidaas oo kale Baraawe uga celiyay, guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudeey.

1 COMMENT

  1. Awsharifow adunyo xaalkeeda sidaan waaye !! Xasuso wixii aad ku sameysey suldan Maxamid Muse Maxamid suld.B.D.Duuwe Digil ka dib marki hor istag aad ku sameysay una didey in uu gudaha u galo madaxtoyada KGS oo aad kurastoda xaqa ay u lahayeen aad boobtey sisayna cidii aad rabtey, maanta hadii lagu sameyo mid la mid ah wey kugu fican tahay ee amus.

Comments are closed.