Nin Si Ula Kac Ah Gaari u Jiirsiiyey Dad Shacab Ah oo aan Waxba Galabsan

0
160

10 qof ayaa dhimatay in ka badan 15 ruuxna waxaa soo gaaray dhaawacyo kaddib markii nin u si ula kac ah gaari u jiirsiiyay dad shacab ah oo marayay hareeraha waddo aad u mashquul badan oo ku taal magaalada Toronto ee waddanka Canada.

Darwalka waday gaariga dadka la jiirsiiyay ayaa waxa uu isku deyey in uu ka baxsado goobta uu falka ka geystey, hasayeeshee waxaa lagu qabtay meel aan sidaas uga fogeyn goobta.

Ninka weerarka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Alek Minassian, waa 25-sano jira kasoo jeeda xaafada Richmond Hil, waxaana weli ku sucda baaritaano ku saabsan sababtii uu falkan u geystey.

Warbaahinta dalka canada ayaa sheegey in maanta la horgeyn doono ninka falka geystey isla markaana ciidanka boliska laga dhowr sugayo iney maanta soo gudbiyaan hadii ay heleen macluumaad dheeri ah oo ku saabtan arintaas.