Ciidan Milateri oo aad u Tababaran oo Lagu Wareejiyey Xerada General Gorad

0
174

Albaabka hore iyo dhamaan agagaarka Xerada General Gordan ee shalay ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidamo milatari aad u tababaran oo wato gaadiidka Gaashaaman.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Milatariga ee sida gaarka ah u tababaran lagu wareejiyay Xerada Ciidanka Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Soomaalida.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Xalay fiidkii lagu wareejiyay ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee loo yaqaano Danab Xerada Gordan ee Degmada Hodan, waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka gaashaaman ee ciidankaan ay wataan.

Ciidamadii Imaaraadka ay tababareen ee xeradan ku sugnaa, ayaa sida la sheegay noqday kuwa la xiray iyo kuwa baxsaday, kadib dagaalkii shalay ka dhacay Xeradaasi.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Gorod, ayaa sheegay in la soo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad Militari kala baxaan Xeradaasi.