Dowlada Turkiga oo Cambaareysey Qaraxii Shaley Galab Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
39

Dowladda Turkiga ayaa cambaareysey Weerarradii ugu danbeeyay ee xalay ka dhacay qeybo ka mid magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay ka qeyb qaadan doonto sidii loo caawin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyaddaasi.

Qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa yimid maalin uun kaddib markii ay gollaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ka digeen weerarro laga yaabo in ay ka dhacaan caasimada.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka iyaga oo sheegay in ay qaateen xoogag iyaga ka tirsan.