Dhegeyso: Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka oo Sheegtey In Dib Loo Dhigey Doorasho Maanta Dhici Laheyd

0
40

Buuq sababay dib u dhac ayaa ka dhashay ka kursi ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu wadday in Muqdisho lagu qabto doorashadiisa.

Qaar ka mid ah Ergooyinka ayaa bilaabay Buuq iyo Qeylo markii ay bilaabatay doorashadda sida ay xaqiijiyeen Guddiga doorashooyinka.

Kursiga ka bannaan Golaha Shacabka ayaa waxaa horey uga geeryoodey Saciid Xasan Geedi waxaana ku tartami lahaa musharaxiinta kala ah C/raxmaan Axmed Ceynaan iyo Musharax Faatax Saciid Xasan, laakiin buuq iyo Sawaxan ka dib doorashadii dib ayaa loo dhigay.

Xaliimo Ismaaciil Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa banaan ayaa buuqa ka dib warbaahinta u sheegtay in dib loo dhigay doorashadda Kursigaasi.

Xaliimo-yareey

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Xaliimo-yareey Mobil