Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Hirshabeele oo Maanta La Dhaariyey

0
34

Gollaha wasiiradda cusub ee maamul gobolleedka Hishabeelle ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu dhaariyay xarunta maamulka gobolleedka Jowhar, kaddib markii ay helleen codka kalsoonida baarlamaanka maamulka.

Gollaha Wasiiradda cusub ayaa lagu hor dhaariyay madaxweynaha maamul goboleedka hirshabeele Maxamed Cabdi Waare iyo ku-xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa soo dhoweeyay ansixinta Golaha wasiirada, waxaana uu uga mahad celiyay Baarlamaanka qaabkii ansixinta oo ka dhigeysa in golaha Wasiirada wixii hadda kadib ay u howl galana waajibaadkooda.

Sidoo kale madaxweyne Waare oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii lagu ansixinayay wasiirada ayaa ka hadlay arrimaha amniga iyo howlaha hor-yaala xukuumadda cusub.