Maxkamadeyntii C/rahmaan Cabdi Shakuur oo Mar Kale Dib Loo Dhigey

0
109

Maxkamada Racfaanka maamulka gobolka Banaadir ayaa 03da bisha Janaayo ee sanadkan 2018 u qabtay dhageysiga Dacwada ka dhanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta la filayey iney dhacdo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Maxamed ayaa ku wargelisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir in ay gaarsiiyaan Siyaasiga muddada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa, si uu uga soo qeyb galo.