Dhegeyso: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed oo Ka Digey Musuqmaasuqa

0
35

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay dhamaatay xilligii dadka shacabka ah xoog lacago aan sharci ahaydn loogu qaadi jiray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in cidii lagu qabtaa iyadoo shacabka lacago baad ah ka qaadeysa in talaabo sharci ah ay ka qaadayaan.

Waxa uu xusay in ay si adag ula dagaalamayaan musuq maasuqa iyo lacagaha aan sharciga ah ahayn ee shacabka laga qaadayo.

Waxa uu shacabka Muqdisho ku dhiira geliyay in ay diidaan bixinta lacago laaluush ah ayna si deg deg ah ula soo xiriiraan maamulka gobolka hadii ay la kulmaan arrimo noocaan oo kale ah.

Gudomiye Taabit

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Gudomiye Taabit Mobil