Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka oo Kulamo La Qaatey Wasiirada Arimaha Dibada Qadar iyo Imaaraadka

0
28

Ra’iisal wasaaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada New York ayaa kulan gaar ah halkaa kula qaatay wasiirka arimaha dibeda Imaaraadka Carabta Sheikh Cabdullahi Bin Zaayid Al-Nahayaan.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, arrimaha xiisada Khaliijka iyo go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay.

Dhinaca kale ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in goor dambe oo xilliga dalka Mareykanka uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa soo dhaweeyay mowqifka dowladda, waxaana uu sheegay inay isku dayayaan arrimaha Khaliijka in wada hadal lagu dhameeyo.