Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta La Kulmey Gudiga Dastuurka

0
23

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dib u eegista Arrimaha dastuurka dalka, kaasoo lagu wado in dhowaan loo soo bandhigo dadweynaha.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Cabdi xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh, iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Dastuurka Qaran iyo kan madaxa banaan.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa si weyn looga hadlay sidii loo heli lahaa dastuur dhameystiran oo uu dalka yeesho, ka hor dhamaadka sanadka 2018, si bulshada Soomaaliyeed ay afti uga dhiibtaan Dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Hey’addaha Dastuurka dalka looga fadhiyo hab iskaasho, si looga mira dhaliyo howsha dib u eegista Dastuurka, isla markaana shacabka codkooda wax ku doortaan mustaqbalka dhow.