Malaaqyada Koonfur Galbeed ee lagu Gumaaday Muqdisho Yaa ka Mas’uul ah?

0
91
Ma ahan arin si sahlan loo qaadan karo in mudo Shan maalmood gudahood Afar Malaaq lagu dilo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho isla markaana halkii kiisaskooda la baari lahaana lagu soo afmeero Shabaab ayaa sheegatay!

Ma ahan talaabadan lagu gumaaday ALLAH ha u wada naxariisteen Malaaqyadan mid cusub balse in si toos ah loo beegsado Malaaqyada Digil iyo Mirifle waa arin ku cusub gudaha Soomaaliyeed isla markaana aan baaritaana la sameyn cidna loo qaban ilaa iyo maanta lana fileyn in cidiba loo qabto maadaama ay Shabaab sheegatay.

*Malaaqyada iyo Beelahooda.

1-Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Xasan Keeroow Malaaqa beesha Garwaale,Siyeet,Mirifle.

2-Malaaq Cabdirashiid Sheeq Cabdisalaan Malaaqa beesha Yantaar,Sagaal,Mirifle.

3-Malaaq Xasan Buulle Cabdulle Malaaqa beesha Jilible,Sagaal,Mirifle.

4-Malaaq Maxamed Cali Xuseen Malaaqa beesha Gasaaragude,Sagaal,Mirifle.

Iyadoo Sedex ka mid ahi Malaaqyadu ay isku qoys hoose yihiin misna taasi tilmaan adag bixineyso Dareenka jira ayaa hadana dareenka jiraa waxa uu yahay in Hay’adihii loo idmaday amniga heer Federaal,Maamul Goboleed iyo Caasimada aan midna qaadin talaabooyinkii loo baahnaa!.

*Hay’adaha Amaanka.

Ilaa iyo hada Baaritaan wax gal ah oo laga sameeyay dhacdadan ma jirto balse waxaa laga wada dheregsan yahay in Qaraxani uu salka ku hayo Siyaasad waxaana iska kaashaday kooxo kala gedisan balse leh hal ujeedo oo ah Cabsiin,Caburin iyo Cagajuglayn lagu cabsi geliyo Malaaqyada iyo Salaadiinta Digil iyo Mirifle oo maalmahan danbe usoo jeestay inay xuquuqdooda kasoo dhacsadaan beelaha kale ee Soomaaliyeed si gaar ahna beesha Hawiye.

Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay ka wada dheregsan tahay in dilalka qorshaysan ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo ay fuliyaan dhinacyo kala gedisan misna leh ujeedooyin kala gaar ah balse ku kulansan gumaadka wax galka ummadda oo iyagu u arka inuu khatar ku yahay,Dhinacyada sida gaarka ah farta loogu godo ayaa waxaa ugu horeeya Siyaasiyiin tun weyn(Dowlada iyo Mucaaradka),Ganacsato Awood badan,Beel aarsi ku jirta iyo Xarakada Xargaha Diinta goosatay ee Shabaab.

Qaybahan Afarta ah ee aynu xusnay waxaa dheer Dhalinyaro hubaysan oo aan cidi ka amar qaadan oo loo kireysto fulinta dilalka qorshaysan oo weliba qiimaha ay dadka ku dilaan aad u jaban kolka dhinac kasta laga eego,Iyadoo sidan uu xaalku yahay ayaa waxaa hadana jira Hay’ado Amni oo ay ugu horeyso Wasaarada Amniga,Taliska Booliiska iyo Kan Hay’ada Nabadsugida oo kolka laysku soo hooriyo warkooda ku dhamaada Kol hadaan ka hortagi weyney waan ka daba tagaynaa ugu danbayna warka ku soo kooba kiiskan meel xunbuu dabada la galay taasi oo la micna ah waxba kama qaban karno.

Waxaa marag madoonta ah in gaarigii Qarxay ee dhuxusha waday laga soo raray degmada Dayniile oo ay Dowladu gacanta ku hayso si gaar ahna beesha Murusade sidoo kalena Hotelka iyo weliba Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka General Cabdulaahi Gaafoow oo kiiskan gacanta ku hayana uu isla beeshan Murusade kasoo jeedo iyadoo sidoo kalena aad loo hadal hayo dadka qaraxa geystey mid ka mid ah inuu ka shaqeyn jirey hoteelka isna uu ahaa murusade iyadoo aan halkaasina ka marnayn Shaqsiyaad Siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda Digil iyo Mirifle oo iyagana wax laga saarayo arimahan.

Afartan Malaaq ee lagu gumaaday Muqdisho ma noqon doonaan Malaaqyadii ugu danbeeyay ee lagu gumaado Muqdisho hadaan hada gudi madaxbanaan oo si cad u baara arimaha ku xeeran Dhacdadaan aan loo qaban.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan ah magaalo si micna daro ah maalin walba loogu dilo muwaadiniin Soomaaliyeed iyadoo dhanka kalena kooxaha hardanku ka dhexeeyo ee Muqdisho ku wada noolina ay isugu faanaan inta ay shacabka ka gumaadeen maalin walba.