Cumar Cabdirashii oo Markii Ugu Horeysey Ka Dhawaajiyey In Siyaasada Dalka Somaliya Ay Faraha Kula JIraan Dalalka Deriska Ah

0
25

Ra’iisul Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo la xiriira doorashada .

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in ay jiraan faragelin dowladaha dariska ay ku hayaan doorashada Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka in ay iska ilaaliyaan Faragelinta tooska ah ee wadamada dariska ay ku hayaan doorashada.

Waxaa uu sheegay in dalalka dariska ah hadda faraha kula jira arrimaha doorashada iyo oo gacan siinaya musharax gaar ah.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa sheegay in sidoo kale looga baahan yahay maamul gobolleedyada dalka in ay dhax dhaxaad ka noqdaan howlaha doorasho ee dalka ka socda.

Si kastaba arintu ha ahaatee dowladaha deriska in mudo ahba gacanta ayay kula jireen siyaasada somaliya ayagoo hogaanka looga hayey dalka itoobita balse maxaa keeney in cumar cabdirashii wax uu horey u ogaa somali oo dhana ogeyn in uu maanta umada usoo bandhigo.