Tacsi:-Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

0
220

Dhamaan odayaasha dhaqanka koonfur galbeed waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryoodey alaha u naxariistee Garaad Maxamed Cali Xuseen ” Maamiyow” oo habeenkii isniinta aheyd kooxo hubeysan ay si gardaro ah ugu dileen degmada madiino.

Garaad Maxamed Cali Xuseen ayaa wuxuu ahaa  garaadka guud ee beesha Gasaargude isla markaana wuxuu ka mid ahaa 135 saxiixayaasha.

Odayasha dhaqanka koonfur galbeed waxaa ay leeyihiin ilaahey ha u naxariisto samir iyo imaana ilaahey ha inaga wada siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ilaahey haka siiyo qabrigiisa waasac ilaahey ha uga dhigo janadii fardowsana ilaahey haka waraabiyo Amiin Amiin.