Xarunta Jeneraal Kaahiye Ex School Polizio oo Maanta ka socoto Dhaarinta Xildhibaanada Cusub ee Dowlada Federaalka

0
64

Xarunta Jeneraal Kaahiye Ex School Polizio ayaa waxaa ka socda munaasabad loogu tala galey dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka cusub, waxaana goobta inta badan ku sugan mudanayaashii laga soo doortay xarumaha dowlad gobolleedyada dalka.

Guddoomiyaha maxkamada sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay xildhibaannadii ugu horeeyay, waxaana wali socta dhaarta, iyadoo koox koox loogu yeerayo xildhibaannada oo ka kooban labada aqal ee dalka.

Waxaa xarunta jooga guddoomiyaha baarlamaankii hore Prof Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo laftirkiisa ka mid ah xildhibaannada cusub ee dib loo soo doortay, hase ahaatee waxaa uu si dhaw ula socdaan munaasabada dhaarta.