Daawo Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Bilad Gudoonsiiyey Eheladii Uu Ka Geeryoodey Prof Cumar Enow

0
74

Habeenkii axada taariikhduna aheyd 25 bishii december ayaa dalka canada magalada toronto waxaa lagu qabtey baroor diiq loo sameynayey alaha u naxariistee prof cumar Cabdulkhadir Enow oo in mudo ahba u dagaalamayey sidii umada somaliyeed looga dhex  heli lahaa sinaan iyo cadaalad.

Barnaamijkani ayaa waxaa via skype uga soo qeyb galey madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo halkaasi ku gudoonsiiyey bilad uu madaxweynaha ku saxaxiixan yahay eheladii uu ka tegey prof Cumar isagoo usoo wakiishey iney biladaasi bixiyo Thabit Mohamed oo ah u qaabilsanaha arimaha dibada safaarada somalida ku leedahay dalka mareykanka waxaana uu halkaasi kasoo jeediyey qudbad yar oo uu kaga hadlayo shaqsiyada prof uu lahaa.

Waxaa kaloo barnamaijkaasi kasoo qeyb galey  professoro wax ka dhiga jaamacada dalka mareykanka iyo weliba dalalka carabta.