Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Ka Hadley Xiisado Beryahan Ka Taagnaa Tuulooyin Hoos Taga Degmada Balcad

0
38

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dowlada federaalka oo ka hadley colaada ka taagan tuulooyinka hoos taga degmada balcad ay salka ku heyso arimo siyaasadeed.

Xildhibaanka ayaa intaasi raaciyey in coladaasi laga leeyahay dano gaar ah balse ma aanuu cara baabin danta laga leeyahay iyo cida danta kale.

Wuxuu xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ugu baaqay dawlada Soomaaliya in dhibaatooyinka noocaas ah aysan ka aamusin balse ay wax ka qabato.

Hadalka xildhibaanka ayaa waxa auu kusoo beegmayaa ayadoo beryahan uu ka socdey deegaano ka tirsan degmada balcad iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowlada federaalka.