Dhimashada Qaraxii Xaley Ka Dhacay Hottel SYL oo Kor u Dhaaftey 30 Qof

0
38

hotel sylWaxaa sare u kacay Khasaaraha Weerarkii isugu jiray Qaraxyada iyo Iska-horimaadka ahaa ee Xalay lagu qaaday Hotel SYL oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho, iyadoo khasaaraha Dadka ku dhintay ay marayso 30-qof, dhaawucuna uu ku dhow yahay 60-qof.

Al-shabaab ayaa sheegatay Weerarradaan oo ahaa laba Qarax oo xilliyo isku dhow dhacay iyo kooxo hubeysan oo Weerar toos ah ku qaaday Hoteelka SYL, kuwaasoo dagaal kooban la galay ilaaladii hoteelka.

Isbitaalka Madiina oo xalay la gaarsiiyay dhaawacyada 35-qof, ayaa siddeed qof oo ka mid ah ay ku Geeriyoodeen isbitaalka, sida Warbaahinta u Xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga gudaha ee Somalia ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku Dhinteen Weerarkii Xalay, kuwaasoo uu sheegay inay ku sugnaayeen bar-koontarool oo gaarigii miineysnaa ee hore uu ku Qarxay.