Madaafiic Maanta Lagu garaacay Xaafado Ka Tirsan magalada Muqdisho

0
56

madfacDhow madaafiic oo maanta ku dhacay degmooyinka Hawlwadaag iyo Wardhiigley oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay

Madaafiicdan oo aan la ogeyn meesha laga soo tuuray ayaa sidoo kale ku dhacay meelo ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay dhaawacyo kala duwan ka geysteen, iyadoo hay’adaha amniga dowladda Somalai aysan weli ka hadlin madaafiicdan khaaaraha geystay

Dadka ku dhintay madaafiicda ku dhacay xaafadda Cago-dhiig oo Degmada Hawl-wadaag ka tirsan ayay Tiradoodu ahayd Saddex ruux oo hal Qoys kasoo jeeda oo kala ahaa; Hooyo lagu magacaabi jiray, Xaliimo iyo Carruur ay Waalid u ahayd.

Sidoo kale, Xaafado ku dhow Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ku geeriyooday laba qof oo la sheegay inay Rag ahaayeen, Waxaana Dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen illaa afar ruux oo kale.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhowr qof ay dhaawacyo kala duwan kazoo gaareen qaar ka mid ah Madaafiicdaan oo ku dhacay Madaxtooyada Somalia, inkastoo aan la ogeyn inay ku jiraan xubno ka tirsan Dowladda Somalia iyo in kale.

Dhanka kale, Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqeymahaan Muqdisho ka dhacay maanta, inkastoo Al-shabaab ay horay u sheegatay mas’uuliyaddad madaafiic horay loola beegsaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.