Faahfaahin Dheeri ah oo Kasoo Baxeysa Gumaadkii Ay Shaley ka Geysteen Maleeshayada Beesha Abgaal ee ku Labisan Dareyska Dowlada Buundada Weyn ee Degmada Afgooye.

2
56

photo 1Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa gumaadkii ay shaley ka geysteen maleeshayada beesha abgaal ee ku labisan dareyska ciidanka dowlada buundada weyn ee degmada afgooye, Warar aynu ka kala helney ilo kala gedisan ee ku sugan degmada afgooye ayaa sheegaya in falkii gumaadkii shaley ay ka geysteen degmada afgooye waxa loogu yeero ciidanka xooga dalka somaliyeed uu salka ku hayo kacdoon shacabka ku nool degmada afgooye ay ku diidan yihiin ciidamo beeleedka ku sugan degmada afgooye kuwaasi oo gudaha magalada iyo daafaheedaba dhigtey isbaarooyin ayadoo tanuu dilka  ay ka mid aheyd isbaarooyinkii ay dhigteen ciidamada beesha abgaal degmada afgooye.

Goob jooge ku sugnaa buundada waqtigii ay mashaqadani dheceysey ayaa waxaa uu inoo sheegey in maleeshiyada beesha abgaal ay gaariga ku fureen rasaas aan loo aaba yeelin ayagooo wadaha gaariga ku eedeynaya in aanuu istaagin isbraada lacagaha baadka ah ay ku qaataan, taasi oo runtii goob joogaha ku tilmaamey arin been abuur ah isagoo dhanka kalana hoosta ka xariiqey in maleeshiyada ciidanka beesha abgaal ee ku labisan dareeska ciidanka dowlada ay rasaaseeyeen gaariga kolkii uu gaariga joojiyey.

Gaarigani oo ahaa nooca loo yaqaan blka loo yaqaan kuna sii jeedey tuulada waraabaale ee hoos timaada degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa rasaaseynta gaariga ka dib waxaa isla goobta ku geeryoodey alaha u naxariisteen mid ka mid ah rakaabka gaariga oo magaciisa lagu sheegey Aw Tifow Maamow halka darawalkii gaariga wadeyna uu halkaasi dhaawac culus kasoo gaarey dhaawiciisana wax looga qaban waayey cisbitaalka degmada afgooye kadibna loo qaadey dhankaas iyo magalada muqdisho.

Dhanka kale Gudomiye ku xigeenka dhinaca amniga degmada afgooye ninka lagu magacaabo Yusuf Maxamed ayaa waxaa uu dhankiisa sheegey in mid ka mid ah maleeshiyada rasaaseyey gaariga losoo qabtey isla markaana loo gudbiyey magalada muqdisho.

Dadka ku nool degmada afgooye ayaa u arka qabashada ninkaas maleeshiyada ah ee geystey falka dilka ah iyo u gudbinta magalada muqdisho fal lagu sii deynayo dhagar qabaha geystey dilka.

Dhacdan naxdin iyo muruga xambaarsan ee ka dhacdey degmada afgooye ayaa ilaa iyo maantadan aaney ka hadlin gudoomiyaha degmada degmada afgooye iyo gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose midna ayadoo aamusnaantoodana ay haatan muujineyso in kolka laga reebo xilalka ay ugu magacaaban yihiin gobolka iyo degmada aysan wax awood ah ku laheyn goobaha la sheego iney ka taliyaan.

Dhacdooyinka soo noqnoqdey ee ah gumaadka shacabka degmada afgooye ay ku hayaan maleeshiyaadka beelaha hawiye gaar ahaan beesha abgaal ee ku labisan dareyska ciidanka dowlada ayaa waxaa xaqiiqo ah in masuuliyada falalkaas ay geysanayaan maleeshiyaadka ay masuul ka yihiin madaxweyne Xasan Sheekh iyo hogaamiyaeyasha dhaqanka beelaha hawiye.
photo 2

photo 1

2 COMMENTS

  1. aniga wahaan arka reer shabeelada hoose falaarba ha ku degaalamaan in ay mar dhiig isku yeelayan hadii ay falaar hitaa gemaan walaahi hawiye hal maalin danbo ma sii joogi leheen dhulkaas sidii baay ay ugu soo ordeen oo kale ayey ugu ordi lahaayen shabeelada hoose ee dadka dhulka kala yaqaan ee reer digil dhiiri gelin ayey u baahan yihiin saan arko mar un fadhiga ka kaca siiba wahaa la rabaa 50 qof oo isku af ah bes in la helo dhulka idinka leh kan kor ka imaadey ayey geerida dhibeysa ee fadhiga ka kaca wsc

  2. umadaan ilaahey dhibkan haka saaro ,moriyanta dowlad isku sheega ahna wey jabi doonaan hadaynan joojin dhibka ay ku hayaan shacabka deeganka oo mudo dheer socday..runtii waa in laga hortagaa loona midoobaa maleshiyadkan marna ah cidan dowlad, cidan beeled imarna alshabaabka ah..

Comments are closed.