Gudoomiyaha Barlamaanka Pro Maha,ed Osman Jawari oo Maanta U Dhoofey Dalka Jarmalka Caafimaad dartiis

0
31

jawariGuddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa maanta safar caafimaad ugu dhoofay wadanka Jarmalka.

Xubno ka tirsan xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xaqiijiyay inuu safarka Jawaari la xiriiro arrimo caafimaad, si baaritaan caafimaad loogu soo sameeyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in guddoomiyaha baarlamaanka ay safarkiisa ku wehliyaan xaaskiisa iyo wiilkiisa, waxaana la sheegayaa inuu geli doono isbitaal magaalada Barliin ku yaalla, halkaasoo uu toddobaad ku jiri doono.

Baarista caafimaad ee uu guddooomiye Jawaari u aaday Jarmalka ayaa ku soo aadaya xilli baarlamaanka uu ku jiro fasax labo bilood ah, taas oo xildhibaannada baarlamaanka fursad u siinaysa inay safarro dibadeed uga baxaan dalka.