Cabdifataax Geesey Oo Xabsiga Ku Gurey Dhaliyarada Magalada Baydhabo Si uu Lacag Uga Sameeyo

0
51

geeskaCiidamada Amniga ee Maamul Shariif Xasan ayaa Xabsiga dhigay Boqolaal Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ey ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Amaanka Maamulka uu Hogaamiyaha ka yahay Shariif Xasan, Wasiirka Amniga ka yahay C/fitaax Geesay ayaa 48-dii saac ee la soo dhaafay waxay howlgalo lagu beegsanayey Dhalinyarada Baydhaba ay ka fuliyeen Xaafadaha Magaalada.

Wasiirka Amniga Maamulka Seddaxda Gobol, C/fitaax Ibraahim Geesay oo maanta la hadlay Waalidiinta Dhalinyarada uu Xabsiga dhigay ayaa sheegay talaabada lagu soo xirxiray Ilmahooda inay kamid tahay Shaqada Wasaaradiisa oo xilka saaran yahay Sugida Amaanka.

C/fitaax Maxamed Ibraahim Geesay oo ka warqaba inaan Dhalinyarada Xabsiyada lagu guray dhamaantood Al-Shabaab aheyn hadana waa ku faraxsan yahay maxaa yeelay waxaa qof walba lagu sii daayaa Lacag,waa marka lagu waayo denbi oo lasii deynayo qofka.

Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey ee uu Cabdifataax Geeseey ku koco arintan waxaa jirtey kol uu ahaa Gudoomiyihii Gobolka Baay wuxuu sidaan oo kale u iibsan jiray Dhalinyarada loo xiro Argagixisinimada oo Macaash badan kasoo gali jiray, hadana wuxuu dib u bilaabay hab dhaqankii guracanaa ee lagu yaqiinay.

( LOOMA OOYE ALOW U MAQAN )