Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen oo ugu Baaqay Qurbo Joogta Guryaha Ku Leh Magalada Muqdisho In Ay Dhistaan Guryahoda

0
43

mungaabGuddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa qurba-joogta ku leh guryaha Muqdisho ee aan weli dalka kusoo laaban ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dayactirtaan guryahooda.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dibadaha ku maqan uu ugu baaqayo inay kusoo laabtaan caasimadda si ay qayb uga qaataan in bilcidii Muqdisho dib loo soo celiyo.

Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa hadalkiisa ku daray. “Quruxda iyo bilicda ay leedahay Muqdisho dib ayay u soo laabanaysaa, marka ma ogolaanayno inay guryo dhowr ah oo shacab leeyahay ay bilicda magaaladan wax u dhibaan,“ ayuu ku daray hadalkiisa.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in haddii aan la dayac-tirin guryaha burbursan waxay wax u dhimayaan quruxdii iyo bilicdii ay Muqdisho lahayd.