Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Maanta Magalada Qaahira Kula Kulmey Madaxweynaha Dalka Masar

0
59

xasanMadaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira maanta kula kulmay dhigiisa dalka Masar,waxaana Labada mas’uul ay ka wada hadleen arimo quseeya Labada dal.

Madaxweyne Xasan iyo C/fataax Siisii ayaaa yeeshay kulan saacado qaatay,kaasi oo lagu gorofeeyay xaalada labada dal sida amaanka iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Da,uud Aweys ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh uu u gudbiyay dhigiisa in dhinacyo badan laga garab siiyo Soomaaliya si labada dal ay hore ugu sii wadaan Soomaaliyada cusub iyo Masarta Cusub.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Masar C/fataax Siisii ayaa ballan qaaday inuu dhisayo gudi ka shaqeeya horumarinta xiriirka Masar iyo Soomaaliya isagoo dhanka kalena xusay inay Soomaaliya ka taageerayaan arrimaha tababarka ciidamada iyo dhinacyo kale.

 

Daafeet.Com