War Deg Deg Ah:- Dhegayso..Ciidamada Amisom Iyo Kuwa Dowlada Federalka oo Gudaha U Galey Degmada Baraawe

0
30

breaking nCiidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa gudaha u galay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo muddo sannado ah ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahayd gobolkaas.

Magaalada Baraawe oo 200-km Muqdisho kaga beegan Koonfureed ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahayd bartilmaameedka koowaad ee ay higsanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ee dowladda Somalia, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay la kulmayaan maanta waxgaradka degmada Baraawe.

Baraawe ayaa waxay noqonaysaa goobtii uug weynayd ee Koonfurta Somalia oo ay lumiso Al-shabaab, iyadoo Sh. Maxamed Abu-Cabdalla oo gobolkaas u qaabilsanaa Al-shabaab uu shalay ka sheegay gudaha degmada inay ku dagaalami doonaan oo aysan weligood ka baxayn degmada.

Xoogagii Al-shabaab ee ka baxay Baraawe ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca gobolka Jubbada dhexe oo ay dhammaantiis gacanta ku hayaan, lamana oga tallaabada xigi doonta qabashada Baraawe.

Halkaan ka dhegaysoUnknown Album

Ku dhegayso Moobilkaaga
Daafeet.Com