Alshabab oo sheegtey in ey u aargudi doonto wiilkii shaley ey dileen ciidamada Amisom

0
33

shilGuddoomiyaha Al-Shabaab Gobalka Banaadir Sheekh Cali Maxmed Xuseen Jabal oo la hadlay warbaahinta Shabaab, ayaa sheegay inay u aar gudi doonaan falkii muwaadinka Soomaaliyeed ay ku dileen ciidanka AMISOM.

Cali Jabal wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ogeysiinayaan in dadka ay laynayaan ay ka dhasheen dad ka damqanaya dhibaatada ay ugeysteen muwaadinkaasi.

Wuxuu hadalkiisa intaasi raaciyay inay u aargudi doonan falkii muwaadinkaasi Soomaaliyeed ciidanka AMISOM ay ku dileen, islamarkaana ay ka shanlayn doonaan AMISOM sida uu yiri.

Shalay subaxdii ayeey aheyd markii mid kamid ah gaadiidka AMISOM uu Muqdisho ku dilay nin lagu magacaabi jiray Saalax oo taksiile ah.
Daafeet.Com