Ciidamada Itoobiyaanka oo maanta si buuxda ula wareegey amaanka magalada beydhabo iyo nawaaxigeeda

0
20

ethiopianCiidamada dowladda Ethiopia oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee ka howlgala somaliya ayaa maanta lagu wareejiyay amaanka magaalada Baydhabo oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Dalalka Uganda iyo Burundi.

Ciidamadi Uganda ee ku sugnaa magaalada Beldhabo oo wata dabaabaadkooda dagaalka ayaa saaka la arkayay iyagoo magaaladaasi uga sii baxaya dhanka magaalada Buurhakaba, inkastoo ciidamada Burundi aysan ka bixin magaaladaasi.

Ammaanka magaalada Beydhabo iyo nawaaxigeeda waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada qalabka sida iyo kuwa Ethiopia waxaana garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ku sugan cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo xaqiijinaya amaanka garoonkaasi.

Taliyaha ciidamada XDS ee aagga Beydhabo Ibraahin Yaroow ayaa warbahinta u sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen ammaanka garoonka iyo goobo kale oo muhiim ah iyagoo gacan ka helaya ciidamada Ethiopia.

 
Daafeet.Com