Xildhibaan Shariif Xasan oo loo diiday inuu ka hadlo xarunta Shirka

7
30

shariif-xasanKulan balaaran oo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle ayaa waxa uu caawa ka dhacay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Kulankan oo ahaa mid ay diirada ku saarayeen habsami u socodka shirka dhamaystirka maamul goboleedka KoonfurGalbed oo wajigiisa labaad ka furmi doona magaalada Baydhabo 12ka bishan oo ku aadan maalinta khamiista ah ee soo socota.

Kulanka intii uu socday ayaa xubnaha golaha Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle waxay gudi ka kooban 11 xubnood u saareen la kulanka Siyaasiyiinta gaar ahaa kooxda uu horkacayo Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo iyaga lasheegayo inay rumaysan yihiin in marka hore la dhiso maamul goboleed ka kooban sedex gobol oo kala ah Shabeelaha hoose,Baay iyo Bakool.

Gudigan ka kooban 11ka xubnood ayaa waxay isla caawa la kulmeen Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan waxayna kala hadleen waxa ka jira inuu isaga danaynaayo in marka hore la dhiso Sedex gobol iyo inkale wuxuuna u sheegay xubnaha inuu aad u danaynaayo in marka hore la dhiso Sedex gobol taasina ay tahay talaabo Dowladu ogoshahay.

Kulanka ka dib ayaa gudigan waxa uu markale kulan la qaatay dhamaan xubnaha golaha Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle ee Baydhabo ku sugan waxayna u sheegeen waxa ay kala soo kulmeen Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ugu danbayn golaha waxay isla qaataeen.

1-In maanta oo Talaado ah oo lagu waday inuu Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka khudbadeeyo Xarunta Shirka aanu imaan karin kana khudbayn karin.
2-In guud ahaan dadka aaminsan fikrada Xildhibaan Shariif Xasan loo qaato inay yihiin Rajciyada gudaha shacabkuna ay iska qabtaan.
3-In guud ahaan shaqsiyaadka ku fekerka ah Xildhibaan Shariif Xasan iyo Shariif Xasanba ayan damaanad qaadi karin Amnigooda gudaha shirka iyo Magaaladuba.
Go’aankan ay qaateen dhamaan xubnaha golaha Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle ayaa isla caawa la gaarsiiyay Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sikasta oo loo dhigaba go’aankan ay qaateen golaha Salaadiinta iyo Malaaqyada Digil iyo Mirifle ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay Madaxweyne Xasan Shiikh oo isaga shirkan u soo wakiishay Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu meel mariyo fikirkiisa ku aadan in aanu shirkan kasoo bixin wax ka badan Sedex gobol taasi oo Shacabka KoonfurGalbeed horay uga qaatay go’aan adag.

 

 

Daafeet.Com

7 COMMENTS

  1. Masha allah wan tagersanahay go anka ayqaten saladhintina wasax wana kuwafaqsanahay marka waxay ilatahay in sharifka iyo koxdisa la gasaro magalada oo diblogu celiyo mesha ee ka imaden madama ee yihin cadowgena kowad allow kugrabsi saladhintena go ankani aamiin

  2. asc marka hore salaan kabacdi waan taagyeer sanaxay go aanka ay qaateen waxgarada odeyaasha malaaqyada &m waxaana leeyahay iska qabta ninka la soo kireystey

  3. anigu waxaan qaba hala tumo shariif xasan waa eey laf urayso afka ka wato waxaa uu raba shilin in uu umada ku dilo

  4. shariif waxaa dawada a watay waa abtiyaashiisa uu a soo kaxeysteen darajada beelaha shanaad oo madax saarteen waa nin abaal lahayn raba inuu hunguri dartii deegaanada digil iyo mirifle u wareejiyo dadka u midoobeen dhicida dhulka digil iyomirifle Allah yal canak

  5. waxaan la talinaa inuu badalo wasaaradaha kala ah oo dhibka ka socda wadanka soomaliya waa wasirka arimaha gudaha iyo qaranka iyo wasirka gashandhiga markii la xasuuqaayi dadkii shabeelaha hoose oo indhacade xasuuqay oo isticmaalay magaca dowlada waa arin qaran dumis iyo dulmi horkac

Comments are closed.